Cashar bilow ah.
Abdiweli Garyare
Warbaahintu
waa nooc dadka loogu sheegayo wax dhacay oo ay muhiim tahay inay la
socdaan, balse ma ahan wax ay ogyihiin oo loo soo gudbiyo.
Dadka
warbaahinta ka shaqeeya waxaa loogu yeeraa (Wariyayaal) oo afka
qalaad lagu yiraahdo “ Journalists.” Kuwaasi oo u shaqeeya
wargeys, majalado, mareegyadda “Website” , TV ama Radio.
Tilmaanta
ugu dhaw ee wariyaha la siin karo waa inuu yahay mid jecel akhrinta
islamarkaana awood u yeelan kara xog kasoo saarista dunida ku
hareereysan.
Warbaahimtu
waxay ka timaadaa dhowr jiho.
- WarA. War degdeg ah: Soo gudbinta war markaasi dhacay.
B. Xog-dheeraad ah: Soo gudbinta warbixino xiisao leh oo aan aheyn war degdeg ah.
C.Baaritaan:Banaan soo dhigida xogta qarsoon oo ay shacabka rabaan inay ogaadaan.
Wariyaha
ugu fiican waa midka si fudud wax u akhriya,cod macaan leh,
islamarkaana ah mid caqli badan oo si xiiso leh wax kuugu soo gudbin
kara.
Warbixin
qoris ama diyaarin.
Sidee
ayaa ku heli kartaa xogta ka danbeysa warka aad gudbineyso?
Waxaa jira saddex waddo oo aad u mari karto helista xogta aad warka ama warbixinta ka sameyneyso.
Waxaa jira saddex waddo oo aad u mari karto helista xogta aad warka ama warbixinta ka sameyneyso.
Wareysi:
Wareysi ka qaad qof aqoon u leh waxa aad rabto inaad warbixin ama war
ka sameyso.
Waqtigeli : Daawo oo dhageyso xogta meesha aad rabto inaad war ka sameyso.
Taariikhda: Akhri sheekada, warbixinadda, wixii horey looga sameeyey ama daabacan ee laga hayo.
Waqtigeli : Daawo oo dhageyso xogta meesha aad rabto inaad war ka sameyso.
Taariikhda: Akhri sheekada, warbixinadda, wixii horey looga sameeyey ama daabacan ee laga hayo.
Dadka
iyo qoraalada aad isticmaaleyso xilliga aad warbixinta qoreyso waxaa
lagaa doonayaa inaad ugu yeerto “Ila-wareedyo/Sources.”
Warbixintaada ku cadee xogaha aad isticmaaleyso. Sidoo kalana
xusuusnow inaad si sax ah u qorto magacyadda xogaha aad isticmaaleyso
iyo dadka aad xogtaasi ka heshay.
Waxaa
xilliyadda qaar dhici kara in dadka aad xogta kasoo heshay isku magac
yihiin, haddaba si loo kala garto qofkasta xogta uu gaarka kuu siiyey
waa inaad sameysaa isticmaalka magaca, da'da, meesha uu deggan yahay
iyo shaqada uu qabto, maxaa yeelay intaasi waa ku kala duwan yihiin
dadka aad xogta ka heshay.
Xilli
kasta oo aad wareysi qaadeyso, xog-baareyso ama aad wax akhrineyso
waxaa muhiim inaad meel ku qorato shanta weydiimood oo xudunta u ah
xog helid dhameystiran.
Waa
kuwama iyaga?
Maxay
sameeyeen?
Xaggee
ku sameeyeen?
Goorma
ayey sameeyeen?
Sidee
ayeyse u sameeyeen?
Wariyaha
wanaagsani waxaa uu howshiisa ka bilaabaa su'aalahaasi. Waxaanna laga
doonayaa inuu sameeyo iibsiga buug qoraaleed kaasi oo uu ku qoro
waxkasta oo xiiso leh oo uu maqlo, arko ama uu akhriyo maalinkasta.
Taasi waxay keeneysaa inaad dib u milicsato imisa warbixinood oo
wanaagsan ayaa la qoray iyo xogta daahsoon ee la soo saaray dunida
asbuuc kasta.
Furaha
war gudbinta iyo warbixin qorista.
Halkan
waxaan kuugu soo gudbinayaa furayaasha saxaafadda wanaagsan.
Hel
xaqiiqdda. Dhammaan inta aad awoodo ee xaqiiqo ah.
U
sheeg akhristayaashaada ama daawadayaashaada halka aad ka heshay
xogta aad soo gudbineyso.
Sidoo
kale xaqiiqo ka sheeg waxa aadan ogeyn wali ee muhiimka u noqon lahaa
warbixintan.
Ha
isku dayin inaad warbixinta usoo gudbiso si mugdi ku jiro ama
cadaalad-darro ka muuqato ee u diyaari si cad oo la wada fahmi karo.
Marka
aad warbixin qoreyso waxaa lagaa doonayaa in sida ugu macquulsan ay
noqdaan sadaro gaagaaban. Iyaddoo qeyb kasta lagaa doonayo inaad
kusoo gudbiso xog cusub.
Haddii
arrin kale oo muhiim ah aad ku dareyso xogtaasi iskuday inaad
paragraph cusub furato, kadibna aad halkaasi kusoo gudbiso xogta kale
ee muhiimka ah, balse waa inaad iska hubisaa inaysan la mid aheyn
wixii aad horey usoo qortay.
Haddii
ay jira hadal uu toos u dhahay qof aad wareysatay kadibna aad rabto
inaad sidiisa usoo gudbiso waxaa muhiim kuu ah inaad muujiso
calaamadaha loogu talagalay in lagu xaqiiqjiyo inuu isaga yiri
hadalkaasi. Tusaale fiican waa sidan:
“ Waxay
ila tahay in nidaamka hadda socda uu yahay mid wax weyn kusoo
kordhiyey dalkeena.” Ali Nuur oo ah 30 jir arday ka ah jaamacadda
Muqdisho ayaa yiri sidaasi.
Waxaa
sidoo kale dhici karta nidaam aad qofkaasi warka uu yiri u
isticmaaleyso adiga oo aadan muujim caalamadaha aan kor kusoo
isticmaalnay. Waxaana tusaale kuu ah:
Si
kasta oo rajo xumo dadka qaar u muujiyaan, haddana annigu waxaan
qabaa in guushu inoo soo dhawdahay, ayuu Ali Nuur ku yiri wareysigan.
Qoraalkan
yar waxaa uu bilow u yahay qoraalo taxane inoo noqon doona, oo aan
rabo inaan ugu faa'iideeyo dhallinyaradda warbaahinta soo gashay,
balse aan helin fursad ay wax badan uga ogaadaan aqoonta durugsan ee
warbaahinta iyo sida ay u shaqeyso.
Mahadsanidiin.
Abdiweli
Ibrahim Aden “Garyare”
Agaasimaha Hayaan Media
Email: Garyare139@yahoo.com
Hilversum, Netherlands.
Agaasimaha Hayaan Media
Email: Garyare139@yahoo.com
Hilversum, Netherlands.
GOOD JOB:- Mr Garyare.
ReplyDeleteCasharkan wax tar weyn ayuu inoo leeyahay hadii aan nahay Wariyayaasha ku cusub saxaafada iyo kuwii hore oo aan iyagane qaarkood helin waxbarasho ama casharo ku filan oo dhanka saxaafada ah,
Casharkan wax badan ayaan hada ka faa'iiday aniga ahaan , kuwa kale ee soo socdane waan sugeynaa Insha allah.